close
Jump to content

Gaashaanbuurta NATO

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay NATO)
Image
Calanka NATO

Gaashaanbuurta NATO (Ingiriis North Atlantic Treaty Organisation, Af-Faransiis (Organisation du traité de l'Atlantique nord) waa gaashaanbuur militari oo samaysantay kadib Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Magaca NATO waxa loosoo gaabiyay Ururka Gaashaanbuurta Waqooyiga Atlantikga. Waxaa la aasaasay sanadkii 1949, waxaana xarun u ah magaalada Boroksel, caasimada Beljimka. Gaashaanbuurta NATO waxa ay leedahay laba luqadood oo rasmi u ah waxayna kala yihiin Ingiriisiga iyo Faransiiska. Hadafka amaba ujeedada koobaad ee ururkani waxa uu yahay ilaalinta xoriyada dawladaha xubinta ka ah. Waxa uu door ka qaataa meelaha ay kajiraan khilaafaadka amaba dagaaladu. Dhammaan dawladaha kamidka ahi waxa ay ka qaybqaataan keenista agabka dagaal amaba militari iyo sidoo kale keenista ciidamada, taas oo sare u qaada in uu ururkani noqdo mid heersare ah. Waxaa jira dawlado ururka aan kujirin laakiin calaaqaad uu kadhexeeyo waxaana lagumagacaabaa dawladahaas saaxiibada sare ee NATO (Major non-NATO ally).


Dawladaha xubnaha ka ah

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Taariikh Taariikhda uu wadan kastaa kusoo biiray No.
4 Abriil 1949 Image Beljim, Image Denmark ,Image Faransiiska, Image Talyaaniga, Image Kanada , Image Luksemburg, Image Holland, Image Norway, Image Bortuqaal, Image Ingiriiska, Image Maraykan iyo Image Island 12
18 Febraayo 1952 Image Giriig iyo Image Turki 14
6 May 1955 Image Jarmala 15
30 May 1982 Image Isbania 16
12 Maarso 1999 Image Hungaria, Image Boland iyo Image Jamhuuriyadda Tashik 19
29 maarso 2004 Image Bulgaria, Image Estoniya, Image Latfiya, Image Lithuaniya, Image Romania, Image Islofaakiya iyo Image Isloveeniya 26
1 Abriil 2009 Image Albania iyo Image kroatia 28
2023 Image Finland 32
2023 Image Sweden 32


  • Kursi-Ka Nato Image Ukraine 2023 heshiiska Ukraine si ay u noqdaan xubin macquul ah









































































Sido Kale fiiri

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Webka Rasmiga ah, ee NATO http://www.nato.int/cps/en/natolive/index.htm